Muqtar Abuu Zubeyr:Gudoomiyaha Alshabaab oo u Duceeyay Beelo qaasa

Posted by admin on Sep 21st, 2009 and filed under World News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqtar Abuu Zubeyr:Gudoomiyaha Alshabaab oo u Duceeyay Beelo qaasa

Gudoomiyaha Dhaqa dhaqaaqa Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Muqtar C/raxmaan Abuur Zubeyr oo Cajalado uu soo diray Maanta loo qeybiyay dadweyne ku tukanayay Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho ayaa waxaa uu codkiisa Hambaliyo ugu diray Bulshada Islaamka gaar haan umadda Soomaaliyeed ee mudada dhibaatadu ay heysay.

Waxaa uu sheegay Abuur Zubeyr in farxadda Ciidaani ay ku soo beegantay xili ay dalka isaga Baxeen ciidamada Ethiopia taasoo uu sheegay in loo baahanyahay in looga mahad celiyo Alle inkastoo uu tilmaamay in ay haatan badaleen ciidamadaasi kuwa uu ku sheegay in ay horkacayaan Faransiis iyo Maraykanka.

Sidoo kale Sheekh Abuu Zubeyr ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidaan ay ku soo beegantahay xili rag badan oo ka tirsan Xarakadaasi ay qaateen Shahaadada kuwaasi oo uu ka xusay Sheekh C/laahi Salaad,Macalin Tima Jilic,Max’uud Salaad,C/raxmaan Sandheere iyo Cukaashe kuwaasi oo uu carabka ku dhiftay in dhiigooda uu Alle ku bur buriyay qorshayaal badan oo uu cadowgu soo maleegay sida uu hadalka u dhigay.

Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidaani ay ku soo beegantahy xili maalmo ka hor diyaaradaha Maraykanku weerareen  Saalax Nabhaan taasoo uu sheegay in ay astaan u tahay Waji cusub oo uu galay duulaanka wadamada gaaladu ay ka wadaan Soomaaliya sida uu carabka ku dhiftay.

Ciidaani waxa ay ku soo beegantahay iyadoo labo Cesho ka hor Alle uu inoo galaday guul aad u qiimo badan,waa Badertii Muqdisho oo Alle uu ku dumiyay Shirqoolkii Gaaladii hogaankoodiina uu ku dabar gooyay,guushaasna Alle waxaa uu sabab uga dhigay rag aaqiro doortay,la kulanka Allana u bahalyoobay”ayuu yiri Abuu Zubyer.

Ugu dambeyntii ayaa mahad celin waxaa uu u soo jeediyay islamarkaana uu Hambaliyo ku aadan iidaani u diray dhamaan Beelaha Soomaaliyeed oo uu sheegay in Mujaahidiinta ay la garab is taageen naf iyo maal intaba kuwaasi oo deegaankooda Mujaahidiinta u furay,waxaana amiirku uu si gar ah u xusay Beelaha Max’uud Hiraab,Murasade,Gaala Jecel,Hubeer iyo Liksi

Aragtidaada ku dhaaf

Xayaysiis

Archives by Tag

W/Q:-saciid haji muuse
Easy AdSense by Unreal
Free counter and web stats