Barakaca Ceel-Waaq

Posted by admin on Oct 31st, 2009 and filed under Wararka Dibada. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

In ka badan 15 kun oo qof ayaa ku guryo beelay roobab xoog leh oo muddo afar maalmood ah ka da’ayay magaalada Ceel-waaq oo u dhow xadka dalka Kenya.
Biyaha ayaa aasay inta badan guryaha iyo ganacsiyadii.

Sidaas waxaa qortay IRIN News oo ka tirsan qaybaha wararka ee Qaramada Midoobay.

IRIN ayaa la hadashay dad kala duwan oo ku dhaqan Ceel waaq, oo u sheegay in inta badan magaalada ay biyo qariyeen, dadkuna ay u carareen meelaha taagga ah.

Waxay kaloo u sheegeen in boqolaal xool ah oo ari u badan oo abaartii dhacday ay ku waydoobay ay ku dhinteen roobab iyo cimilada qaboow.

Maamulka deegaanka iyo kooxaha bulshada rayidka ah, ayaa ku guulaystay in ay dad badan geeyaan meel ay ku badbaadi karaan, iyadoo si gaar ah loo daryeelayay hooyooyinka iyo caruurta yar iyo waayeelka sidii ay u heli lahaayeen meel ay ku gabadaan. sida ay qaar ka mid ah dadka deegaanku u sheegeen IRIN

Aragtidaada ku dhaaf

Xayaysiis

Archives by Tag

W/Q:-saciid haji muuse
Easy AdSense by Unreal
Free counter and web stats