Waxaa saakay degan Xaaladda agagaarka Kulyadii Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho kadib dagaal xalay ku dhexmaray ciidamada Burundi iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab

Posted by admin on Nov 24th, 2009 and filed under World News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Waxaa saakay degan Xaaladda agagaarka Kulyadii Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho kadib dagaal xalay ku dhexmaray ciidamada Burundi iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab

Waxaa saakay degan Xaaladda agagaarka Kulyadii Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho kadib dagaal xalay ku dhexmaray ciidamada Burundi iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Kadib iska horimaadyo xalay ka dhacay Kulyadii hore ee Jaale Siyaad kuwaasi oo u dhaxeeyay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ayaa saakay xaaladda deegaanada lagu dagaalamay waxaa ay tahay mid degan.

Mid ka mid ah dadka deeganka Xaafadda Buula muqgdi oo ku dhow halka ay dirirtu ka dhacday lana hadlayay Shabelle ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay degantahay iyadoo walina meel aan sidaas u kala fogeyn ay kala joogaan dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay dadkuna ay ka cabsi qabaan in dagaalo ay dib uga dhacaan halkaasi

Si kastaba ha ahaatee waxaa saakay dib u soo laabtay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee wadada warshadaha kadib markii dagaalo xalay ay ka dhaceen halkaasi,iyadoo dagaaladii xalay ka dhacay agagaarka Kulmyadii ay daba socdaan dagaalo habeen hore ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Aragtidaada ku dhaaf

Xayaysiis

Archives by Tag

W/Q:-saciid haji muuse
Easy AdSense by Unreal
Free counter and web stats