Archive for ‘December, 2009’

Horta barro Dalkaada Soomaaliya?

Horta barro Dalkaada Soomaaliya?

Maxaad ka taqaanaa isbadaladii Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Maamuladii soo maray intii udhaxeysay  1960 ilaa hada 2009!!!?
W/Q:-saciid haji muuse
Soomaaliya waa Wadan ka mid ah Dalalka ku yaalo Bariga qaarada Africa, wuxuuna ka mid ahaa Wadamadii lagu qeybsaday Shirkii ka dhacay Caasimada Dalka Germany ee Barliin sanadii 1884.Waxaana loo kala jaray dhul weynihii Soomaaliyeed shan qeybood [...]

Beled Xaawo : Kooxo hubaysan ayaa xalay dil ugu geystay sargaal Madax ka ahaa Hay’ad Samafal

Beled Xaawo : Kooxo hubaysan ayaa xalay dil ugu geystay sargaal Madax ka ahaa Hay’ad Samafal

Kooxo hubaysan ayaa xalay dil ugu geystay Magaalada Balad Xaawo sargaal Madax ka ahaa Hay’ad Samafal oo ka howlgasha gobolka Gedo kadib markii ay gurigiisa ugu galeen.
Ninkaan la dilay oo lagu magacaabo Cusmaan Maadey oo ahaa madaxa Hay’adda samafalka iyo Daryeelka dadka waayeelada ayaa la dilay isagoo ku sugan gurigiisa oo kuyaala degmada Baladxaawo ee [...]

Dowlada Uganda oo tababar usoo xirtay ciidamo Somalia

Dowlada Uganda oo tababar usoo xirtay ciidamo Somalia

Dowladda Wadanka Uganda ayaa tababar waxaa ay ugu soo gaba gabeysay Magaalada Kampala ee Caasimadda wadanka Uganda dhalinyaro la sheegay in ay qeyb ka noqonayaan ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.
Dhalinyaradaani oo mudo sedax sano ah tababarku uu uga socday wadanka Uganda ayaa waxaa loogu talagalay in ay isbadalo ka sameeyeen dalka Soomaaliya waxaana tababarkoodii ugu [...]

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta waxa ay heshiis kala dhax dhigeen qaar kamid ah beelo dega gobolka Banaadir.

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta waxa ay heshiis kala dhax dhigeen qaar kamid ah beelo dega gobolka Banaadir.

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta waxa ay heshiis kala dhax dhigeen qaar kamid ah beelaha dega gobolka Banaadir.
Kadib kulan ay maanta isugu yimaadeen Mas’uuliyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo qaar kamid ah Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda beelaha Abgaal iyo Murusade ayaa waxaa halkaasi heshiis lagu dhax dhigay 2-daasi beelood oo la [...]

MADAXWEYNE SHIIKH SHARIIF : “ Haddii ay jiraan dhaliilo loo hayo Dowladda waa in gudaha Baarlamaaka laga sheegaa

MADAXWEYNE SHIIKH SHARIIF : “ Haddii ay jiraan dhaliilo loo hayo Dowladda waa in gudaha Baarlamaaka laga sheegaa

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo maanta khudbad dheer u jeediyay kalfadhigii 10 ee uu Baarlamaan Soomaaliya ku yeesho Magaalada Muqdisho ayaa soo hadal qaaday arrimo la xiriira Amaanka, Dhaqaalaha, Siyaasada Dowladda ee arrimaha dibada.
Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay la soo darseen caqabado badan oo la xiriira dhinaca Ammaanka kuwaas [...]

dhinacyadii shalay ku dagalaamay Magaalada Mugadisho oo guulo ka kala sheegtay

dhinacyadii shalay ku dagalaamay Magaalada Mugadisho oo guulo ka kala sheegtay

Waxaa xiisado wali laga dareemayaa deegaanadii shalay galab ay dagaalada ka dhaceen ee agagaarka Sarkuusta iyadoona dhinacyadii halkaasi ku dagalaamay ay guulo ka kala sheegteen dagaalka.
Afhayaheenka Ciidamada Midowga Afriko iyo Wasiiro dowlaha Gaashaandhiga Dowladda KMG Soomaaliya ayaa si isku mid ah waxa ay uga hadleen dagaladii iyo duqeymihii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee u [...]

Dagaalo xoogan oo Galabta ciidamada dowladda iyo xoogaga hubaysan ku dhexmaray agagaarka Xaruntii Ciidanka Asluubta ee Magaalada Muqdisho

Dagaalo xoogan oo Galabta ciidamada dowladda iyo xoogaga hubaysan ku dhexmaray agagaarka Xaruntii Ciidanka Asluubta ee Magaalada Muqdisho

Dagaalo xoogan oo Galabta ciidamada dowladda iyo xoogaga hubaysan ku dhexmaray agagaarka Xaruntii Ciidanka Asluubta ee Magaalada Muqdisho.
Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo isku dhan ah iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ayaa galabta kadib salaadii casir waxaa ay ka dhaceen inta u dhaxeysa deegaanka Sarkuusta iyo Xaruntii ciidanka Asluubta [...]

Qarax Bam oo xildhibaano ay ku dhaawacmeen oo goordhow ka dhacey Hotel ku yaala agagaarka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya

Qarax Bam oo xildhibaano ay ku dhaawacmeen oo goordhow ka dhacey Hotel ku yaala agagaarka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya

Qarax Bam islamarkaana ay Xildhibaano ku dhaawacmeen ayaa goordhow waxa uu ka dhacey Hotel ka agdhow xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kaasi oo ay degenaayeen Mudanayaal katirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya.
Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kal soon yahay ku dhowaad 2-ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa qasaaro dhaawac ah ka soo gaarey kadib markii [...]

Ra’iisul wasaaraha Somalia oo warqadda codsiga ah ee ka socotay DFKMG ah u gudbiyay shir gudoonka shirka

Ra’iisul wasaaraha Somalia oo warqadda codsiga ah ee ka socotay DFKMG ah u gudbiyay shir gudoonka shirka

Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay shirkii dalalka Kooxda xiriirka caalam,iga ah ee Somalia (ICG) ee ka dhacay Magaaada Jeddah ee dalka Saudi Arabia in lagu taageero dhaqaale lacageed si ay ugu guulaysato inay horumariso dib u heshiisiinta iyo sugidda ammaanka.
Ra’iisul wasaaraha Somalia oo warqadda codsiga ah ee ka socotay DFKMG ah u gudbiyay shir gudoonka [...]

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi oo lagu eedeeyay in uu dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya uu ka wado Magaalada Nairobi

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi oo lagu eedeeyay in uu dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya uu  ka wado Magaalada Nairobi

Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya Qoraal ay u gudbisay Dowladda Kenya kagaga codsatay in tallaabo cad laga qaado Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi oo lagu eedeeyay in uu dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya uu ka wado Magaalada Nairobi ee caasimadda u ah Dalka [...]

Xisbul Islaam ayaa maanta xukun Tacsiir ah waxa uu ka fuliyay magaalada Baladweyne

Xisbul Islaam ayaa maanta xukun Tacsiir ah waxa uu ka fuliyay magaalada Baladweyne

Maamulka Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta xukun Tacsiir ah waxa uu ka fuliyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xukunkani Tacsiirta ah ee maanta lagu fuliyey 3-da Dhalinyarada ah ee lagu soo eedayey in ay isticmaalayeen Muqaadaraadka nooca maanka dooriyaha ah ayaa xarunta maamulka gobolka Hiraan ee magaalada Baladweyne waxaa dhalinyaradani lagu fuliyey Xukun Tacsiir [...]

Sawirkan ayaa beeninaya sidii loo haystay in uu qaraxa u dhacay

Sawirkan ayaa beeninaya sidii loo haystay in uu qaraxa u dhacay

Waxaa la sheegay in ninkii qarxiyay xaflada qalinjebinta uu watay indha shareer. Wiilka lagu soo eedeeyay in uu qaraxa geystay ayaa saxaafada loo soo bandhigay meydkiisa. Waxaa hada soo baxay sawir la qaaday wax yar ka hor intuusan qaraxa dhicin. Waxaa sawirka ka dhex muuqda wiilkii lagu eedeeyay qaraxa oo fadhiya xaflada.
Sawirkan waxaa cadeynaya in [...]

Xayaysiis

Archives by Tag

W/Q:-saciid haji muuse
Easy AdSense by Unreal
Free counter and web stats