Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo cambaareyn u diray Dowladda Spain

Posted by admin on Feb 3rd, 2010 and filed under World News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo cambaareyn u diray Dowladda Spain

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah xoogagga sida weyn uga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa eedeyn kulul waxaa uu diray Dowladda Spain oo sida uu sheegay hadda ku biirtay dalalka sii shidaya dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo soo qaatay hadal dhawaan shirkii Midowgga Afirca ee lagu soo gabo gabeeyay Magaalada Addis Ababa uu ka jeediyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Spain kaasoo uu ku tilamaamay in uu ahaa hadal dhibaatada uun sii badan kara, kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha Spain codsaday in Ciidamo ka socda Qaramada Midoobe loo diro dalka Soomaaliya.

Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa intaa ku daray in Ciidamo loo soo diro dalka Soomaaliya micnahoodu noqonayo in xaalada looga sii darro, isaga oo ku tilmaamay Dowladda Spain ay u arkayaan cadaw aan u daneyn Umadda Soomaliyeed ee dhibaateysan.

Dhinaca kale Shirkii Midowgga Afirca ee lagu soo gabo gabeeyay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa uu ku sheegay Shiikh Xasan Daahir Aweys in uu ahaa shir lagu shirqoolay nabada Soomaaliya, maadaama ayuu yiri dhinacyadii ka qeyb galay isku afgarteen in waqtiga loo sii kodhiyo Ciidamada AMISOM ee hadda ku sugan Magaalada Muqdisho.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo hadda ah hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa inta badan siweyn uga soo horjeesta go’aamada ka soo baxa shirarka caalamiga kuwaa oo marka la eego intooda badan laga soo saaro qodobo dhiiragalin iyo taageero u ah Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Aragtidaada ku dhaaf

Xayaysiis

Archives by Tag

W/Q:-saciid haji muuse
Easy AdSense by Unreal
Free counter and web stats