Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra’iisul wasaare Meles Zenawi ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada dalkaas sida ay

Posted by admin on Feb 3rd, 2010 and filed under World News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Madaxweyne  Sheekh Shariif  iyo Ra’iisul wasaare Meles Zenawi ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada dalkaas sida ay

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada dalkaas sida ay qortay Wakaaladda wararka Itoobiya.

Sheekh Shariif iyo Meles Zenawi ayaa waxay kaga hadleen kulankooda oo ahaa mid waqti yar socday xaaladda amaan ee Soomaaliya ka jirta, iyadoo Ra’iisul wasaaruhu uu ku ammaanay Madaxweynaha dadaalka uu ugu jiro inuu Soomaaliya nabad kusoo dabaalo.

“Waxaan diyaar u nahay inaan garab kugu siino sidii aad dalka amaan ugu soo celin lahayd” ayuu Ra’iisul wasaare Zenawi u sheegay Madaxweyne Sheekh Shariif intii uu shirku socday.

Zenawi ayaa sidoo kale ka dalbaday Madaxweyne Sheekh Shariif inuu xoogga saaro sidii uu nabad ku dhalin lahaa, dadka Soomaaliyeedna uu u bari lahaa nabadda qiimaha ay leedahay.

Dalka Itoobiya ayaa faragelin Milateri ku sameeyay dalka Soomaaliya sannadihii 2007 – 2008, iyadoo Sheekh Shariif uu xilligaas ahaa hoggaaminaya kacdoonkii ay wadeen Maxkamadihii Islaamka oo uu guddoomiye u ahaa.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in shacabka inta nabadda jecel ay raaci doonaan dowladda, balse Xarrakatul Shabaab oo uu xusay inay xiriir la leedahay Al-Qaacida ay doonayso inay Dowladda afgambiso.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna sheegay intii uusan soo ximin kulanka in Dowladdiisu ay calaamka ka sugayso taageero, si ay dib ugu soo celiso ammaankii iyo kala-dambeyntii mudadda dheer maqnayd.

Aragtidaada ku dhaaf

Xayaysiis

Archives by Tag

W/Q:-saciid haji muuse
Easy AdSense by Unreal
Free counter and web stats