Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha ururka Xisbul islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ee ahaa in Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay uga baxeen Ballan.
“Heshiis aan uga baxnay Xisbul Islaam ma jirto, waana walaalaheen iyaga ayaana laga doonayaa inay sheegaan heshiisku wuxuu ahaa” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay inaysan jirin heshiis ay uga baxeen.
Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in walaalahood laga doonayo inay heshiiska cadeeyaan, isagoo daboolka ka qaaday inuusan jirin wax khilaaf ah oo kala dhexeeya, balse ay yihiin walaalo ku mideysan jihaadka lagula jiro cadowga.
Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir oo todobaadkan shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin heshiiska ay walaalahooda Xarrakatul Shabaab uga baxeen, wuxuuna xusay inay horay u galeen heshiis dhigayay inaan la kala qaadan ciidamada.
Sheekh Xasan Aweys ayaa hadalkiisa wuxuu yimid makii Sheekh Xasan Turkey oo ahaa ku xigeenkiisa uu ku biiray Xarrakatul Shabaab kaasoo dhigayay in kooxda Raaskambooni ay ka mid noqotay Xarrakatul Shabaab ayna ka baxday Ururka Xisbul Islaam.
Ururka Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shaababul Mujaahidiin ayaa horay ug dagaalamay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose, iyadoo dagaaladaas oo dhacay sannadkii hore ay guulo ka gaartay Xarrakatul Shabaab
