Barre Cali Barre oo ka tirsan Saraakiisha sare sare ee Ururka Xisbul Islaam ayaa habeenimadii xalay isaga oo ku sii jeeda gurigiisa waxaa kooxo aan la garaneyn ay ku weerareen gaarigii u saarnaa Bam kuwa gacanta laga tuuro ah.
Mas’uulka la weeraray oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday uusan wax khasaare ah ka soo gaarin dhinaciisa, waxaana uu intaa ku daray in markiiba koxaha weerarka geeystay ay baxsadeen kadib markii ay rasaas ku fureen ilaaladii la soctay.
Barre waxaa uu sheegay in uusan aqoon sababta loo weeraray in cida weerarka ka danbeeysay intaba, laakiin waxaa uu ku tilmaamay in kooxahaasi ka mid yihiin, waxaana uu tilmaamay in uu jiro baaritaan la xiriira cida weerarkaasi soo qaaday.
Sarkaalka la weeraray ayaa waxaa uu ka mid yahay saraakiisha sar sare ee sida weyn ugu dhaw dhaw hogaamiyaha sare ee Ururka Xisbul Islaam, waxaana uu dhawaan mar uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho uu gaashaanka u daruuray midowggii dhawaan ay sameysteen Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin iyo Mucaskarka Raas-kanbooni.
Ma’aha markii ugu horeysay oo la weeraro Saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul islaam waxaana dhowr jeer oo hore weeraro kala duwan lagu qaaday Saraakiil ka tirsan Ururka kuwaa oo qaarkood u geeriyooday weeraradaasi.
