SHIIKH XASAN DAAHIR AWEYS:- Camalka aan hayo haddii aan rag u helo waan sii wadaynaa, hadii kale waxaan reebi doonaa taariikh sida Sayid Max’ed C/dulle Xasan

Posted by admin on Feb 5th, 2010 and filed under World News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

SHIIKH XASAN DAAHIR AWEYS:- Camalka aan hayo haddii aan rag u helo waan sii wadaynaa, hadii kale waxaan reebi doonaa taariikh sida Sayid Max’ed C/dulle Xasan

Shiikh Xasan Daahir Aweys, Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo Idaacada VOA-da uga waramayay mustaqbalkiisa dambe maadaama ay ka sii kala tagayaan rag muhiim u ahaa dhaqaajinta Siyaasaddiisa ku wajahan ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada AMISOM sida Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) aya sheegay in taasi aysan waxba u dhimi doonin sida uu hadalka u dhigay Camalkii uu hayay.

Hoggaamiyaha Xisbul Islaam waxaa uu sheegay in ku biirista Shiikh Xasan Turki uu ku biiray Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ay tahay mid muujineyso daciifnimada sida uu hadlka u dhigay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxaana uu intaas ku daray in Xasan Turki uu ku kacay arrin nidaam darro ah, maadaama ayuu yir uusan wax la tashi ah la sameyn raggii ay isku dhinaca ka soo wada jeedeen.

Waxaa uu intaas raaciyay in dhinaca Xarakada Shabaabul Mujaahidiin jabiyeen heshiis ay horay u wada gaareen kaasoo ahaa in shaqsiyaadka aan leyska bililiqeysan, waxaana uu meesha ka saaray in uu jiro xiriir ka dhaxeeya Al-qaacida iyo Ururada ka dagaallamaya gudaha dalka Soomaaliya.

Mar uu ka jawaabayay Su’aal aheyd waxa u qorsheysan mar haddii uu xaalku halkaa marayo’ waxaa uu yiri ” Dabcan Camalka aan ku jiro haddii aan rag u helana waa sii wadayaa hadii aan u waayana Taariikh ayaan reebi doonaa sida Sayid Max’ed C/dulle Xasan” ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo intaas sii daba dhigay in waligii uu ku dadaali doono sidii uu uga hortagi lahaa shirqoolka gumeysigu la damacsan yahay Umadda Soomaaliyeed.

Inkastoo Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa aas aasayaashii Midowgii Maxkamadaha ee sanadkii 2006-da ka arriminayay inta badan Goballada Koofurnta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa u muuqda hadda shaqsi ay sii kala faaruqayaan rag ay siweyn u soo wada shaqeeyeen kuwaas oo qaarkoodna ku biiray Dowladda uu hoggaamiyo Shiikh Shariif halka kuwa kalana ay hadda bilaabeen in ay is-baheysi la sameystaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo xiriir adag aan laheyn Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Aragtidaada ku dhaaf

Xayaysiis

Archives by Tag

W/Q:-saciid haji muuse
Easy AdSense by Unreal
Free counter and web stats