Archive for the Category ‘World News’

Madaxwyne Shariif ayaa lagu wado inuu la kulmo Jaaliyada Soomaaliyeed ee London

Madaxwyne Shariif ayaa lagu wado inuu la kulmo Jaaliyada Soomaaliyeed ee London

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in bisha Marso oo ay berri kow tahay horaanteeda inuu booqasho taariikhi ah ku talo dalka Ingiriiska, kadib markii uu casuumaad ka helay Dowladda Britain.
Wafdiga Madaxweyne Shariif ayaa waxay ka koobnaan doonaan Wasiiro, Xildhibaan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda KMG oo markii u horeysay booqanaya [...]

Maxkamada Guud ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo maanta xukuno kala duwan ku riday 15 qof

Maxkamada Guud ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo maanta xukuno kala duwan  ku riday 15 qof

Maxkamada Guud ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo maanta xukuno kala duwan waxaa ay ku riday 15 qof oo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan kuwaasi oo qaarkood maanta la horkeenay Maxkamada halka kuwa kalana ay ka maqanaayeen.
Kadib markii mudooyinkii ugu dambeeyay ay soo kordhayeen dhaca loo geysanayo qaar kamid ah Shirkadaha ganacsi ee ku [...]

Qadaafi oo Jihaad ku baaqay

Qadaafi oo Jihaad ku baaqay

Qaramada Midoobay ayaa cambaareeysay hadal ka soo baxay Madaxweynaha Libya Muammar Gaddafi, oo ku baaqy in dagaal Jihad ah lagu qaado waddanka Switzerland.
Madaxa hey’adda Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva Sergei Ordzhonikidze, ayaa sheegay inuu aamminsan yahay in hadalka noocaasi oo kale ah inuu ku dhawaaqo hogaamiye waddan uu yahay mid aan la oggolaan karin xiriirka [...]

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta wxa uu ka digay Khilaaf soo kala dhaxgala xoogaga Islaamiyiinta

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta wxa uu ka digay Khilaaf soo kala dhaxgala xoogaga Islaamiyiinta

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta wxa uu ka digay Khilaaf soo kala dhaxgala xoogaga Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir Aweys gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam oo Salaadii Jimco ee maanta kadib dadweyne faro badan kula hadlayay gudaha Masjidka weyn ee Abaa Hureyra ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho [...]

Mid kamid aah la-taliyeyaasha Madaxweyne Shariif oo sheegay inuu xilkaas iska casilay

Mid kamid aah la-taliyeyaasha Madaxweyne Shariif oo sheegay inuu xilkaas iska casilay

Prof. Axmed Muumin Warfaa oo ka mid ahaa La-taliyeyaasha sarsare ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu xilkaas iska casilay xilkaas.
La-taliyahan ayaa sheegay inay waxba ka fuli waayeen talooyin dhowr ah oo uu siiyay Madaxweynaha taasna ay keentay inuu xilkiisa isaga casilo, wuxuuna sheegay inay jiraan la taliyeyaal [...]

SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW: “WFP kama shaqeynayso Soomaaliya iyadoo aan fulin ammarkii la faray

SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW: “WFP kama shaqeynayso Soomaaliya iyadoo aan fulin ammarkii la faray

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) ayaa ka sheegay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay in Hay’adda WFP aysan ka shaqeynayn Soomaaliya iyadoo aan fulin amarradii lagu soo rogay.
Sheekh Abuu-Mansuur oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in WFP ay kusoo rogeen amar ahaa inay ka iibsato gargaarka ay bixinayso beeraleyda [...]

Ciidamo loogu talogalay inay ka barbar dagaalamaan Dowladda Soomaaliya oo lagu tabbarayo Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya

Ciidamo loogu talogalay inay ka barbar dagaalamaan Dowladda Soomaaliya oo lagu tabbarayo Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya

Ilo wareedyo Kenyan ah ayaa sheegay in kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo loogu talogalay inay ka barbar dagaalamaan ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu tababarayo dalka Kenya.
Sarakaal ka mid ahaa ciidamada dalka Kenya oo aan magaciisa sheegin ayaa u sheegay saxaafadda in 2,500 oo ka mid ah dhallinyaro laga ururiyay Gobolka ay Soomaalidu dagto ee Kenya ay [...]

Barre Cali Barre oo ka tirsan Saraakiisha sare sare ee Ururka Xisbul Islaam oo Bam lagu weerary

Barre Cali Barre oo ka tirsan Saraakiisha sare sare ee Ururka Xisbul Islaam oo Bam lagu weerary

Barre Cali Barre oo ka tirsan Saraakiisha sare sare ee Ururka Xisbul Islaam ayaa habeenimadii xalay isaga oo ku sii jeeda gurigiisa waxaa kooxo aan la garaneyn ay ku weerareen gaarigii u saarnaa Bam kuwa gacanta laga tuuro ah.
Mas’uulka la weeraray oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday uusan wax khasaare ah [...]

AFHAYEENKA AL-SHABAAB: “Heshiis aan uga baxnay Xisbul Islaam ma jiro, iyaga ayaana laga rabaa inay caddeeyaan

AFHAYEENKA AL-SHABAAB: “Heshiis aan uga baxnay Xisbul Islaam ma jiro, iyaga ayaana laga rabaa inay caddeeyaan

Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha ururka Xisbul islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ee ahaa in Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay uga baxeen Ballan.
“Heshiis aan uga baxnay Xisbul Islaam ma jirto, waana walaalaheen iyaga ayaana laga doonayaa inay sheegaan heshiisku wuxuu ahaa” ayuu [...]

SHIIKH XASAN DAAHIR AWEYS:- Camalka aan hayo haddii aan rag u helo waan sii wadaynaa, hadii kale waxaan reebi doonaa taariikh sida Sayid Max’ed C/dulle Xasan

SHIIKH XASAN DAAHIR AWEYS:- Camalka aan hayo haddii aan rag u helo waan sii wadaynaa, hadii kale waxaan reebi doonaa taariikh sida Sayid Max’ed C/dulle Xasan

Shiikh Xasan Daahir Aweys, Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo Idaacada VOA-da uga waramayay mustaqbalkiisa dambe maadaama ay ka sii kala tagayaan rag muhiim u ahaa dhaqaajinta Siyaasaddiisa ku wajahan ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada AMISOM sida Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) aya sheegay in taasi aysan waxba u dhimi doonin [...]

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo cambaareyn u diray Dowladda Spain

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo cambaareyn u diray Dowladda Spain

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah xoogagga sida weyn uga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa eedeyn kulul waxaa uu diray Dowladda Spain oo sida uu sheegay hadda ku biirtay dalalka sii shidaya dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo soo qaatay [...]

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra’iisul wasaare Meles Zenawi ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada dalkaas sida ay

Madaxweyne  Sheekh Shariif  iyo Ra’iisul wasaare Meles Zenawi ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada dalkaas sida ay

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada dalkaas sida ay qortay Wakaaladda wararka Itoobiya.
Sheekh Shariif iyo Meles Zenawi ayaa waxay kaga hadleen kulankooda oo ahaa mid waqti yar socday xaaladda amaan ee Soomaaliya ka jirta, iyadoo Ra’iisul wasaaruhu uu ku ammaanay [...]

Xayaysiis

Archives by Tag

W/Q:-saciid haji muuse
Easy AdSense by Unreal
Free counter and web stats